“Marar ka qaar waxaan dareemaa cadaadis ka badan ciyaartoyda, sababtoo ah waxaan ahay Cristiano” – Ronaldo

(Turino) 29 Feb 2020. Cristiano Ronaldo oo la hadlayay shabakada shabakada  caanka ah ee “SKY SPORTS” ayaa ka hadlay cadaasika saaran Juventus maalmihii dambe.

Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay mas’uul ka yihiin natiijooyinka xun ee kooxda wuxuuna yiri:

“Dabcan aniga iyo dhamaan asxaabteyda kooxda waxaan mas’uul ka nahay natiijooyinka xun iyo qaab ciyaareed hooseeya” ayuu yiri Ronaldo.

“Mararka qaar waxaan dareemaa culeys ka badan ciyaartoyda aan isku kooxda nahay sababtoo ah waxaan ahay ‘Cristiano’, dadku wax badan ayey iga filayaan”.

“Laakiin diyaar ayaan ahay, mar walba diirada ayaan saaraa sida saaxibadeyda koox ahaan. Xilligaan kuma jirno xaalad layyaab leh.

“Hadda waan faraxsanahay. Waxaan u  ciyaaraa kooxda ugu fiican Italy. Waxaan lashaqeeyaa ciyaartoydii ugu fiicnaa. Waxaan ku guuleysanay koobab sanadkii hore waxaanan rajeynayaa inaan sidaas oo kale sameeyo.”

“Waxaan garaacay rikooro badan, si dabiici ah ayay u yimaadeen. Waxaan jeclaan lahaa (inaan inbadan garaaco), laakiin muhiimada koowaad waa inaan caawiyo asxaabteyda isla markaana guuleysto”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close