Kooxda Manchester United oo markaan u Kabo gashanaysa Kalidou Koulibaly oo qiimo dhimis lagu sameeyey

(Manchester) 29 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay markaan u kabo gashanayso tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Naadiga Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Iyadoo Man United la la xiriirinayay daafacan dhexe dhowr jeer suuqyadii kala iibsiga ee la soo dhaafay, haddana heshiiska weli uma uusan noqon mid miro dhala.

Si kastaba ha ahaatee, Corriere dello Sport ayaa warinaya in Napoli ay diyaar u tahay inay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in madaxweynaha kooxda ee Aurelio De Laurentiis uu haatan ku qiimeeyaa Koulibaly adduun dhan 85 milyan oo gini, diyaarna uma ahan inuu tixgeliyo wax lacag ah oo kale oo lagu rabo 28-sano jirkaan.

Markii Man United iyo kooxaha kale loo tixgaliyay inay xiisaynayeen xiddigan waqtiyadii la soo dhaafay, waxaa la soo jeedinayaa inay Napoli weydiisatay wax ka badan 100 milyan oo gini.

Koulibaly ayaa weli gacanta ku haysata in ka badan saddex sanadood oo kaga harsan heshiiskiisa uu ku joogo garoonka San Paolo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close