Suarez oo falanqeeyay muhiimada ay leedahay guusha kulanka El Clásico ay la ciyaarayaan Real Madrid

(Spain) 28 Feb 2020. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Suárez ayaa xaqiijiyay in guusha kulanka El Clásico ay la ciyaari doonaan Real Madrid axada soo socota ay dhabar jab weyn ku noqon doonto dadaalada loogu jiro hanashada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Luis Suárez ayaa wareysi uu ku bixiyay raadiyaha “RAC1” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood muhiim ah, waxaana waxyaabihii uu ka hadlayay ka mid ahaa kulanka la wada sugayo ee El Clásico ay Axada soo socoto wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Haddalada Luis Suárez uu ka dhawaajiyay inta uu ku gudi jiray wareysigan waxaa ka mid ahaa:

“Haddii aan guuleysano kulankan waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa iyaga, waxaan ka fogaan doonaa kooxda nagu soo xigta miiska kala sarreynta, waxaana talaabo cuub horey ugu qaadi doonaa hanashada koobka horyaalka Spain” ayuu yiri Luis Suárez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close