RASMI: Isku aadka wareega 16-ka tartanka Europa League oo la sameeyey… (Yaa lagu beegay Kooxda Man United?)

(Yurub) 28 Feb 2020. Waxaa la soo saaray isku aadka wareega 16-ka ee tartanka UEFA Europa League, iyadoo ay kooxda kubadda cagta Manchester United ay ku beegantay naadi yar.

Manchester United ayaa booqan doonto kooxda yar reer Austria ee LASK waxayna kulanka lugta hore wareega 16-ka kula ciyaari doontaa garoonka Linzer.

Sidoo kale kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa waxay ku soo dhaweyn doontaa garoonkeeda San Siro, naadiga Getafe, halka Sevilla ay soo dhaweyn doonto kooxda ka dhisan caasimada dalka Talyaaniga ee Roma.

Isku aadka ayaa sidan loo sameey:

قرعة الدور ثمن النهائي من الدوري الأوروبي

Frankfurt ama Salzburg vs Basel

Başakşehir vs Copenhagen

Inter vs Getafe

LASK vs Manchester United

Olympiacos vs Wolves

Rangers vs Leverkusen

Sevilla vs Roma

Wolfsburg vs Shakhtar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close