“Hoggaaminta Premier League ma ahan wax fudud sida qof walba uu u maleeyo” – Sadio Mane

(Liverpool) 28 Feb 2020. Xiddiga kooxda kubadda Liverpool ee Sadio Mane ayaa xaqiijiyay inay hoggaamiyaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan gabi ahaanba aysan aheyn wax fudud in kasta oo farqi weyn uu u dhexeeyo Reds iyo Manchester City.

Liverpool ayaa ku hogaamineysa horyaalka Ingariiska 79 dhibcood, waxayna 22 dhibcood nadiif ah kaga hoggaaminayaan kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Manchester City.

Haddaba Sadio Mané ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “BBC” wuxuu ku sheegay:

“Hoggaaminta horyaalka Premier League waa mid sahlan sida qof walbaa uu u maleyn karo?, waxaan rajeynayaa taas”.

“Waan ognahay in Premier League uu yahay horyaalka aduunka ugu fiican, ciyaar walba waa inuu noqdaa 100% dadaalkaaga, haddii aad rabto inaad guuleysato”.

“Tani waa waxa aan had iyo jeer isku dayeeyno inaan sameyno, waxaana qabaa inay sifiican u shaqeyneyso, laakiin waa inaan sii wadnaa inaan si adag u shaqeyno si aan u helno waxa aan rabno.”

“Ujeedkeenu tan iyo bilawgii wuxuu ahaa inaan ku guuleyano koobka horyaalka Premier League, sidaas darteed haddii aan ku guuleysano, wax weyn ayey u noqon doontaa kooxda iyo taageerayaasheeda”.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay la ciyaari doonto Watford fiidnimada habeen dambe ee Sabtida ah, ciyaar qeyb ka ah kulamada 28-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close