Man United oo si dhib la’aan ah ugu gudubtay wareega 16-ka Europa League, kaddib markii ay guul weyn ka gaartay Club Brugge… +SAWIRRO

(Manchester) 28 Feb 2020. Manchester United ayaa si dhib la’aan ah ugu gudubtay wareega 16-ka tartanka Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Club Brugge 5-0, kulankii lugta labaad wareega 32-da ee tartanka UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Manchester United ayaa heshay gool ku laad waxaana gool u badalay Bruno Fernandes ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Daqiiqadii 34-aad Manchester United ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Odion Ighalo, kaddib markii uu ka caawiyay Juan Mata.

41 daqiiqo Manchester United ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, waxaana 3-0 ka dhigay Scott McTominay, saaxiibkiis reer Brazil ee Fred ayaa goolkan ka caawiyay.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii Fred ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxda Man United, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis reer England ee Jesse Lingard, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 4-0.

Mrkale daqiiqadii 90-aad Fred ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta wuxuuna dheesha ka dhigy 5-0, saaxiibkiis Tahith Chong ayaa goolkan ka caawiyay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 5-0 oo ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Club Brugge oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close