Kooxda Liverpool oo dalabkeedii ugu horreeyay ka gudbisay Timo Werner

(Liverpool) 27 Feb 2020. Warbaahinta Caalamka ayaa xaqiijisay in Liverpool ay dalabkeedii ugu horeeyay ka gudbisay weeraryahanka Jarmalka iyo kooxda RB Leipzig ee Timo Werner.

Weriye lagu kalsoonaan karo ee lagu magacaabo Nicolò Schira ayaa sheegay in Liverpool ay si rasmi ah wadahadalo ula gashay wakiilada weeraryahanka Jarmalka ee Timo Werner.

Nicolò Schira ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay dalabkeedii ugu horreeyay u gudbisay Timo Werner, si ay kaga saxiixato qandaraas 5 sano ah oo uu mushahar ahaan u qaadanayo 8 milyan oo ginni sanadkii.

Liverpool ayaa ogaatay in ay kansali karto heshiiska Timo Werner ee kooxda RB Leipzig, haddii kooxda reer Germany la siiyo qiimo dhan 60 milyan ginni.

Timo Werner ayaa si xoogan loola xiriirinaayey u dhaqaaqista kooxda Liverpool, kaddib markii uu adeegiisa codsaday macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close