Inter Milan oo doonaysa inay la soo wareegto midkood labo ka mid ah daafacyada Kooxda Chelsea

(Milano) 27 Feb 2020. Tababaraha Kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo midkood  Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri inay  ku soo biiran kooxda ka dhisan cariga Talyaaniga ee Inter Milan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Labadan xiddig ayaa ku dhibtooday sidii ay boos joogto ah uga heli lahaayeen Stamford Bridge xilli ciyaareedkaan, waxaana loo maleynayaa inay labadan xiddig ay ka tagi karaan naadiga dhammaadka xilli ciyaareedkan 2019-20.

Inter ayaa Ashley Young kala soo saxiixatay Manchester United bishii Janaayo, laakiin sida laga soo xigtay Tuttosport, Tababare Conte ayaa weli doonaya inuu ku darsado daafac kale kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Alonso iyo Emerson labadaba ay fahansan yihiin kubbadaha isku dhiib-dhiibka ee Tiki Taka oo uu jecel yahay macallinka reer Talyaani, kaasoo inta badan ku shaqeeya qaab dhismeedka shaxda 3-5-2.

Alonso Aabihiis ayaa dhowaan si maldahan u sheegay in xiddiga reer Spain uu raadinayo xilli ciyaareedkan inuu dib ugu  laabto horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, labadan  xiddig ayaa farujin doona garoonka Stamford Bridge ee galbeedka Magaalada London, laakiin midkood ayuu macallin Conte doonayaa inuu ku darsado shaxdiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close