“Waa macquul inaan ku soo baxno Camp Nou” – Gennaro Gattuso

(Napoli) 26 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Napoli ee Gennaro Gattuso ayaa ammaanay wax qabadka ciyaartoydiisa kulankii ay xalay kula ciyaareen Barcelona garoonka San Paolo.

Kooxaha Napoli iyo Barcelona ayaa xalay dhibcaha ku qeybsaday kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay ku kalabaxeen bar-bardhac 1-1 ah.

Haddaba Gennaro Gattuso ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah “Sky Sports” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Waxaan awoodnay inaan qabano shaqo ka sii fiican weerarada daba mareynta ah, laakiin kooxda waxay sameysay waxa ay aheyd inay sameyso”.

“Waxaan u oggolaanay fursado yar, waxaan dareemayaa wax yar oo niyadjab ah sababtoo ah ma aanan abuurin fursado badan, laakiin xoogaa daal ah ayaa laga yaabaa inuu yimaado, sababa la xiriira sida adag ee loo shaqeynayo xilli kasta, nasiib darro se qalad kaliya kuma hor sameyn kartid Barcelona”.

“Dabcan waa mid furan inaan ku soo baxno garoonka Camp Nou, waxaa na saaran waajibaad ah inaan aadno Camp Nou oo aan u ciyaarno sida aan u soo gudbi laheyn”.

“Napoli waxay heysataa ciyaartoy badan oo awood leh, Barcelonana waxay heysataa wax intaas ka badan, laakiin haddii aan si gaar ah u ciyaarno waxaan heli karnaa waxaan rabno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close