Tababare hore ee kooxda Real Madrid ah oo si weyn u ammaanay Jurgen Klopp

(Yurub) 26 Feb 2020. Tababarihii hore kooxda Real Madrid ayaa ammaanay macallinka reer Jarmal ee haatan leyliya naadiga Liverpool ee Jürgen Klopp.

Tababaraha reer Argentina ee Santiago Solari ayaa ka hadlay dhowr arrimood ee quseeya kubadda cagta xilligan la joogo, wuxuuna si gaar ah kaga hadlay kooxda Liverpool uu hoggaaminayo Jürgen Klopp.

Santiago Solari ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku muujiyay sida uu ula dhacsan yahay tababare Jürgen Klopp wuxuuna yiri:

“Waxa uu Jürgen Klopp ka sameynayo kooxda Liverpool waa wax fiican”.

Image result for klopp and Santiago Solari

“Jürgen Klopp wuxuu ku guuleystay in kooxdiisa uu ka dhigo inay u ciyaaraan qaabka ay jecel yihiin taageerayaasha kubadda cagta meel kasta ay joogaan”.

“Klopp waa tababare cajiib ah, ee leh shaqsiyad gaar ah, aad ayaan u jeclahay shaqsiyadiisa, aad ayaan u jeclahay tan iyo waagii uu joogay Borussia Dortmund”.

“Waxaan u maleynayaa inuu Klopp ogolaaday inta u dhaxeysa hamigiisa macalinimo iyo taariikhda Liverpool, wuxuu ixtiraamay taariikhda kooxda wuxuuna siiyay kubadda ku saleysan qaab weerar ee loo baahnaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close