Muxuu ka yiri Frank Lampard guuldarradii xalay ka soo gaartay kooxda Bayern Munich?

(London) 26 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard in guuldarradii ay xalay kala kulmeen naadiga Bayern Munich inay cashar adag u tahay Blues.

Bayern Munich ayaa garoonka Stamford Bridge guul kaga soo gaartay kooxda Chelsea kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-3.

Frank Lampard ayaa ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Heerka Bayern Munich wuxuu ahaa mid aad u fiican, wuxuu cashar adag u ahaa ciyaartoyda Chelsea, waa inaan fahamnaa heerarka ciyaarista Champions League”.

“Bayern Munich si walba ayay noo garaacday, laakiin howshu wali ma dhamaan.”

Si kastaba ha noqotee, kulanka lugta labaad ayaa lagu arki doonaa maqnaanshiyaha xiddigo dhowr ah, sababa la xiriira ganaax, waxaana ka mid ah Jorginho iyo Marcos Alonso.

Kulanka lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League ee kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa ka dhici doono garoonka Allianz Arena 18-ka bisha soo socota ee Maarso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close