Arsene Wenger oo sharaxay sababta ay Chelsea guuldarro culus uga soo gaartay Bayern Munich

(Yurub) 26 Feb 2020. Macalinkii hore kooxda kubadda cagta Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlayay guuldarradii xalay Chelsea ka soo gaartay naadiga reer Germany ee Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa garoonka Stamford Bridge guul kaga soo gaartay kooxda Chelsea kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-3.

Arsene Wenger ayaa aaminsan in kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ay lumisay awoodeeda qadka dhexe, oo ah saldhigga ugu muhimsan ee kulamada waa weyn ee Yurub, isagoo muujiyay sida uu ula yaabay ka maqnaanshaha qorshahan tababare Frank Lampard kulankii Bayern Munich.

Arsene Wenger ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Daily Express” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Heerkan iyo qaab ciyaareedkan, waxaad siineysaa kooxda kaa soo horjeedda fursad ay ku maamusho kubbadda, waana lagugu ciqaabi karaa mar uun”.

“Haddii aad ku guuldarreysato khadka dhexe tartanka UEFA Champions League, markaas dhib ayaad ku jirtaa, kani waa sharciga koowaad maxaa yeelay waxaad la ciyaareysaa kooxo fiican”.

“Haddii kooxda kaa soo horjeeda ay soo bandhigto qaab ciyaareed weerar ku saabsan iyadoo aan diirada la saareynin, waxaa lagugu ciqaabi doonaa mar uun”.

“Dhamaanteen waan ka soo gudbinay arrintan, tani waa waxa dhaca marka aad la ciyaareyso koox kaa awood badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close