Madaxweynaha Juventus ee Andrea Agnelli oo ka hadlayay wararka la xiriirinaya Pep Guardiola

(Turin) 25 Feb 2020. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Juventus ee Andrea Agnelli ayaa wuxuu meesha ka saaray wararka la xiriirinaya inay xiiseeynayaan Pep Guardiola, si uu u yimaado Allianz Stadium.

Magaca Pep Guardiol ayaa la xiriirinayay xilliyadii lasoo dhaafay oo dhan inuu noqonayo badelka macalinka haatan maamula Juventus ee Maurizio Sarri.

Laakiin madaxweynaha kooxda Juventus ee Andrea Agnell ayaa cadeeyay in xilligan la joogo aysan jirin wax fikir ah oo ku aadan imaatinka Pep Guardiola, gaar ahaan maadaama uu ku faraxsan yahay shaqadiisa Manchester City.

Andrea Agnelli ayaa wareysi uu ku bixiyay “Radio 24” wuxuu kaga hadlay wararka Pep Guardio la xiriirinaya kooxda Juventus wuxuuna yiri:

Image result for andrea agnelli and pep guardiola

“Waa been haddii aan sheego ma jiro qof ka fikiraya Pep Guardiola, laakiin waqtigaan la joogo wuxuu ku faraxsan yahay meesha uu joogo, hadaan ku faraxsanahay meesha aan joogo, uma badna inaan baxo” ayuu sheegay Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Juventus ee Andrea Agnelli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close