Gerard Pique oo ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona

(Barcelona) 25 Feb 2020. Daafaca caalamiga ah qaranka Spain ee Gerard Pique ayaa shaki galiyay mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona.

Pique ayaa rumeysan in ay suurtogal tahay in hal maalin uu u ciyaari karo Messi kooxda Napoli, laakiin daafaca Barcelona ayaa rajeynaya xiddigan uu xirfadiisa kubadda cagta ku fadhiisan doono Spain.

Mar la weydiiyay hadii Messi uu ku daydo Maradona islamarkaana uu heshiis u saxiixayo Napoli, Pique ayaa ku jawaabay:

“Marnaba ma dhihi kartid kubadda cagta waxna kama dhici karaan, laakiin waxaan soo jeedinayaa in taasi ay adag tahay”.

“Waa in aad weydiisaa mustaqbalkiisa, waxaan jeclahay in uu kooxdeena kabaha uu isaga siibo, intaas in ka badan kuuma sheegi karo”.

Pique ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulanka lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli.

“Waxaan diirada saareynaa kulankan innagoo og wixii nagu dhacay sanadihii dambe, sidoo kale waxaan og nahay sida muhiim ay inoogu tahay natiijada, sababtoo ah dhamaan ciyaartoyda kooxda waxaa saaran mus’uuliyad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close