Bayern Munich oo Stamford Bridge guul weyn kaga soo gaartay Chelsea kulankii lugta hore wareega 16-ka UCL…+SAWIRRO

(Landan) 26 Feb 2020. Bayern Munich ayaa garoonka Stamford Bridge guul kaga soo gaartay kooxda Chelsea kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-3.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood ee Chelsea iyo Bayern Munich.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Serge Gnabry, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Robert Lewandowski.

Daqiiqadii 54-aad kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay gool labaad, waxaana markale u dhaliyay Serge Gnabry ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-2, Robert Lewandowski ayaana markale goolkan ka caawiyay.

Laakiin sheeko waxay ku xumaatay taageeraya Chelsea ee ku sugnaa garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu Robert Lewandowski ka dhigay ciyaarta 0-3 ay ku hoggaamineysay Bayern Munich.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay guusha ku raacday kooxda martida ku aheyd garoonka Stamford Bridge ee reer Germany Bayern Munich.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close