Tababare Jurgen Klopp oo xiddigihiisa kaga cabsi qaba Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid

(Liverpool) 24 Feb 2020. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qiray in ay adag tahay in xiddig dalab ka helay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona inuu diido.

Anfield ayaa kulansaday ciyaaryahanno tayadooda ay aad u sarreyso, kaddib markii Reds ay ku guuleysatay mid ka mid ah labadii Champions League ee ugu dambeeyay oo final ay tagtay, waxaana xusid mudan inay haatan majaraha u hayaan hoggaanka horyaalka Premier League.

Klopp ayaa aqbalay inay adag tahay in la diido Real Madrid iyo Barcelona haddii ay dalab kaa soo gudbiyaan.

“Waxaan aaminsanhay in qaar ka mid ah xiddigaha, haddii Barcelona ama Real Madrid ay u yeerto, ay adag tahay in ay dhahaan ‘maya’,” ayuu yiri macallinka Kooxda Liverpool ee Klopp.

“Waxaan rumeysanhay adduunkaan, Liverpool inay tahay tan ugu sarreysa, sarreysa, sarreysa.”

Liverpool ayaa 19 dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka Preimer League, iyadoo caawa kulan xiiso badan waji doonta naadiga West Ham United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close