RASMI: Liiska 21-ka xiddig ee Barcelona uga qeyb gali doona kulanka Napoli ee Champions League oo la shaaciyey & Saxiixooda cusub ee Braithwaite oo lagu daray

(Barcelona) 24 Feb 2020. Waxaa la shaaciyey liiska 21-ka ciyaaryahan ee naadiga Barcelona uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Champions League.

Kooxda Barcelona waxa ay u safraysaa dalka Talyaaniga, waxa xiisaha leh ayaana a in saxiixa cusub ee Barca, Martin Braithwaite lagu daray liiskan.

Martin Braithwaite Champions League uma diiwaangashana Kooxda Barcelona sidaas darteed uma ciyaari karo kulanka habeen dambe, balse waa uu la safrayaa si uu u soo daawado.

Naadiga reer Spain waxaa u soo yeeray war naxdin leh kaddib markii ay ogaatay inuu muddo saddex illaa afar isbuuc ah uu dhaawac kaga maqnaan doono Sergi Roberto, waxaana laga saaray safka isagoo aan qeyb ka ahayn safarka ay kooxdu ku aadayso Talyaaniga.

Riqui Puig oo ka mid ah da’yarta Barcelona ayaa hoggaaminaya shan ciyaartooy oo macallin Quique  Setien ka soo xushay kooxda yar yarka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Napoli:-

Goolhayeyaasha: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Daafacyada: Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Samuel Umtiti, Ronald Araujo, Junior Firpo, Sergio Akieme.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Frenkie de Jong, Arthur Melo, Arturo Vidal, Alex Collado, Riqui Puig.

Weerarka: Lionel Messi, Antoine Griezmann, Ansu Fati, Martin Braithwaite.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close