Liverpool oo wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay kaddib markii ay kaga adkaatay Anfield kooxda West Ham… +SAWIRRO

(Liverpool) 25 Feb 2020. Liverpool ayaa wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay kaddib markii ay guul 3-2 ah kaga gaartay garoonkeeda Anfield kooxda West Ham, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.
Daqiiqadii 9-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Georginio Wijnaldum, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Trent Alexander-Arnold.
Laakiin daqiiqadii 12-aad kooxda martida aheyd ee West Ham United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Issa Diop, waxaana goolkan ka caawiyay Robert Snodgrass.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 66-aad kooxda West Ham United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waaana 1-2 ka dhigay Pablo Fornals, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Declan Rice.
68 daqiiqo Liverpool ayaa la timid goolka bar-bardhaca kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-2, xilli goolkan caawintiisu uu lahaa Andy Robertson.
Daqiiqadii 81-aad Reds ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii 3-2 ka dhigay Sadio Mane, waxaana caawinta goolkan lahaa Trent Alexander-Arnold.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-2 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.
SAWIRRO:
Gool FM.