Horudhac: Kooxaha Horseed vs Heegan… (Kulanka Ciidanka oo galabta ka dhacaya garoonka Eng Yariisow)

(Muqdisho) 24 Feb 2020. Kulanka ugu xiisaha badan Horyaalka Somali Premier League ayaa galabta wuxuu ka dhici doona garoonka Eng Yariisow Stadium ee dhaca Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa dhaxmari doonto kooxaha Horseed iyo Heegan waana kulanka loogu magac daray (Derby Army), ama kulanka Ciidanka, Kooxda Horseed waxay matasha Ciidanka xoogga dalka, halka Heegan ay sumad u tahay Ciidanka Booliska, sidaa darteed ayaa loogu magac daray kulanka Ciidanka.

Labadan kooxood ayaa diyaar garoow xooggan u galay ciyaartan weyn, waana kulankii ugu dambeeyay ay ka dheelan wajiga hore horyaalka Somali Premier League ee fasal ciyaareedkan.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-

Afartii kulan ee ugu dambeyay labadan kooxod Horseed iyo Heegan isku arkan horyaalka Somali Premier League waxaa labo ka mid ah badisay naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan halka labada kulan kale ay barbaro ku kala baxeen labada dhinac, taas oo ka dhigan in Horseed laga itaal roon yahay marka loo eego afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay isku arkan.

Kooxda kubadda cagta Heegan kulankii ugu dambeeyay waxa ay 2-1 ugu soo adkaatay naadiga Rajo Football Club.

Wiilasha Heegan kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Abuna iyo Feysam oo u dhashay dalka Uganda kuwaas oo ku seegaya kaarar digniinta oo u uruuray.

Heegan sanadkana bandhig wacan aye ku jirta waxeyna leedhahay 14-dhibcood oo horyaalka ah.

Naadiga Horseed kulankii ugu dambeyay waxey 1-0 ugu soo taqlustay wiilasha Midnimo, waxeyna leeyihiin 15-dhibcood oo horyaalka ah.

Labadan kooxod ayaa ciyaar isla xisbaatan dheeli doona maadama hal dhibcood oo qura u dhaxeyso Horseed ayaa leh 15 dhibcood, halka heegan ay leedhahay 14 dhibcood, wuxuuna kulankan noqonaya mid labada dhinac ay iska ilaaliyan inuu khasaaro la kulmo.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Horseed vs Heegan

Garoonka: Eng yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close