Halyeey hore kooxda Liverpool ah oo ka hadlay suurtogalnimada uu Van Dijk ugu biiri karo Real Madrid iyo Barcelona

(Liverpool) 24 Feb 2020. Xiddig hore kooxda Liverpool ayaa tilmaamay in Reds ay waayi karto adeega Virgil van Dijk, haddii ay Real Madrid iyo Barcelona go’aansadaan inay la soo wareegaan, sida ay horeyba ugula dhaqmeen xiddigaha Luis Suarez, Philippe Coutinho iyo Xabi Alonso, iyadoo la awoodi waayay in la diido dalabyada ka yimid labada kooxood waaweyn ee horyaalka La Liga.

Haddaba Paul Ince ayaa uga digay kooxdiisii ​​hore ee Liverpool inay macquul tahay in daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk ay u lumiyaan mid ka mid ah kooxood waaweyn horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona, taasoo uu sheegay inay saameyn ku yeelan karto guulihii ay Reds ku soo nooleyd xilliyadii la soo dhaafay.

Paul Ince ayaa sheegay in Liverpool ay ku gudi jirto waqtigeedii ugu fiicnaa, balse uu horyaalo dagaal xoogan xilliyada soo aadan, ay ugu muhiimsan tahay sida ay ku ilaashan laheyd xiddigaha kooxdeeda gaar ahaan Virgil van Dijk, kaasoo soo jiitay kooxaha waa weyn.

Wargeyska “AS” ee wadanka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga reer England ee Paul Ince wuxuuna yiri:

Image result for Virgil van Dijk and Paul Ince

“Waxaan u maleynayaa in waxa ay Jurgen Klopp iyo ciyaartoydiisa sameynayaan ay tahay wax aad u fiican, laakiin kooxaha waa weyn ayaa waxay sannad walba ku guuleystaan koobab, Haa… Liverpool waa koox fiican haatan”.

“Caqabada haatan waxay tahay sida ay horumar ugu sameyn karaan mustaqbalka, way adag tahay sababtoo ah waxay heystaan ciyaartoy da’ayar ah oo horumar sameynaya, laakiin wax walba si dhaqsi leh ayey isku badelaan kubadda cagta”.

“Waxaan daawanay Philippe Coutinho, si lama filaan ah ayuu ku yimid Barcelona, sii heysashada ciyaartoyda, wuxuu noqon doonaa dagaalka ugu adag ay gali doonto kooxda Liverpool”.

“Van Dijk? Marka la eego kooxdee ayaa ka soo gudbin doonta dalab si uu ugu biiro, marka ay Barcelona iyo Real Madrid albaabka soo garaacaan, way adag tahay in la yiraahdo maya, marka aad sameyso guulo badan oo cajiib ah, waxaad soo jiidataa indhaha kooxaha sida Barca iyo Real, way ku adag tahay ciyaaryahanka inuu dhaho maya, marka ay u yimaadaan isaga dartiis”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close