“Cunsuriyada ayaa guuleysatay” – Antonio Rüdiger oo hadallo carro leh ka dhawaajiyay

(London) 24 Feb 2020.  Daafaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Antonio Rüdiger ayaa muujiyay sida uu u niyadjabay kaddib markii booliiska London ay ku dhawaaqeen inaysan jirin wax caddeyn ah ee muujineysa inuu la kulmay fal isir-fuquuq ah, inta lagu gudi jiray kulankii ku dhex maray kooxaha Blues iyo Tottenham Hotspur horyaalka Premier League bishii December ee sanadkii hore 2019.

Antonio Rüdiger ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Sky Sports” wuxuu ku sheegay:

“Cunsuriyada ayaa guuleysatay, kuwa dambiilayaasha ah waxay mar walba awoodi doonaan inay ku soo laabtaan garoomada, taasoo caddeynaysa inay guuleysteen”.

“Wax ciqaab ah oo la saaray ma jiraan, ama quusan doono, mana joojin doono kor u qaadida codkayga, mar walbana codkayga ayaan kor u qaadi doonaa, laakiin markan aniga kaligey ayaa u istaagi doono”.

“Tani waa musiibo, waxaan aabo noqday khamiistii lasoo dhaafay, waxaana arkaa in bulshada aysan horumar badan ka sameynin la dagaalanka isir-fuquuqa”.

“Sidaas darteed carruurteyda ayaa laga yaabaa inay sidoo kale la il darnaadaan, haddii aysan waxba iska badelin falalka isir-fuquuq ah, iyo haddii carruurtu aysan helin waxbarasho wanaagsan, iyo tarbiyo wanaagsan, markaas waan guuldarreysan doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rüdiger.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close