Horudhac: Arsenal vs Everton… (Gunners oo garoonkeeda Emirates ku qaabilaysa Toffees oo ay labo dhibcood ka dambeyso)

(London) 23 Feb 2020. Arsenal ayaa caawa soo dhoweynaysa naadiga Everton oo ay labo dhibcood ka dambeyso marka loo eego kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay ku qaabilaysaa garoonkeeda Emirates.

Kooxda Arsenal ayaan laga adkaanin lix kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, halka Everton ay kaliya hal mar khasaaro la kulantay 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 23 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa dib  u soo laaban kara kulankan kaddib markii uu seegay kulankii dhowaa ee Europa League oo ay ku soo ciyaareen Giriigga, markii sababo shaqsi loo fasaxay.

Lucas Torreira oo sidoo kale xanuun kaga maqnaa kulankii  Olympiakos ayaa la filayaa inuu taam buuxa u yahay kulanka caawa ee Everton.

Ciyaaryahanka Everton ee Andre Gomes ayaa ciyaari kara markiisii ugu horreysay tan iyo horraantii bishii November kaddib markii uu ka soo kabsaday qalliin looga sameeyey canqowga.

Fabian Delph ayaa isagana la heli karaa kaddib ganaax uu la maqnaa, halka Bernard uu ka soo kabsaday dhaawac fudud, laakiin Theo Walcott dhibaatada jilibka ka haysata ayaa laga qiimeyn doonaa ka hor ciyaarta.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Arsenal ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 23-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo horyaalka Premier League ay kula ciyaartay garoonkeeda naadiga Everton, waxaana ay ka haysataa 19 guul iyo 4 barbaro, tan iyo guuldarradii 2-1 ee ka soo bishii Janaayo sanadkii 1996-kii, kulan ka dhacay garoonka Highbury, markaasoo uu kooxda watay Bruce Rioch.

>- Everton ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay labadeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka oo ay wajahday Arsenal, labadaas kulan ayaana ka dhacay garoonka Goodison Park, markii ugu dambeysay oo ay saddex kulan oo xiriir ah shabaqeeda gool ka ilaashato iyadoo la dheeleysa Gunners horyaalka waxay ahayd bishii Maarso sanadkii 1913-kii, markaasoo ay afar kulan oo isku xiga Arsenal gool u diiday horyaalka, si kastaba ha noqotee Toffees ayaa kaliya hal jeer shabaqeeda gool ka ilaashatay 32-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqdeen horyaalka kooxda Arsenal.

>- Arsenal ayaa 327 gool ciyaaraha sare ee horyaalka ka dhalisay Everton, waana in ka badan goolasha ay ka dhalisay koox kasta oo kale oo ay ka horttay ciyaaraha sare ee Ingiriiska, Gunners ayaa sidoo kale 97 guul ka gaartay Everton waana  in ka badan koox kasta oo kale oo ay wajahday.

>- Kooxda Everton ayaa guul la’aan ah 23 kulan oo ay marti u ahayd Arsenal waana markoodii saddexaad ee ugu dheereyd taariikhda oo koox ay ka hortagtay ka adkaan weysay kaddib 24 kulan oo ay ka badin weysay Chelsea iyo 35 kulan oo ay ka adkaan weysay Leeds United intii u dhaxaysay 1946 iyo 2001.

>- Arsenal ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) lix kulan oo Premier League, waxaana ay haysataa 2 guul iyo 4 barbaro, inkastoo aysan ku guuleysan kulamo isku xiga tartankan tan iyo markii saddex kulan oo xiriir ah ay adkaatay bishii Agoosto 2019, haddana Gunners ayaa raadinaysa inay saddex kulan oo xiriir ah horyaalka shabaqeeda gool ka ilaashato markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 2017-kii.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close