“Dhaawaca Hazard uma muuqdo mid… sidoo kale waa inaan guuleysano kulanka El Clasico” – Zidane

(Madrid) 23 Feb 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay guuldarradii ay xalay kala kulmeen Levante, iyo dhaawaca soo gaaray laacibka reer Belgium ee Eden Hazard.

Real Madrid ayaa guuldarro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Levante oo ay ku booqatay garoonka Ciutat de Valencia, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Zinedine Zidane ayaa kaddib ciyaarta wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan luminay 5 dhibcood laba kulan, qeybtii labaad ee kulankii Levante waxaan abuurnay fursado yar, kooxda naga soo horjeeday waxay heleen hal fursad waxayna ku dhaliyeen goolka guusha”.

“Dhamaanteen waxaan la dhibtooneynaa guuldarradan sababtoo ah waa wax aanan jeclayn, laakiin kubada cagta marwalba waxay ku siineysaa fursad kale”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay kulanka soo aadan ay horyaalka La Liga ku wada ciyaari doonaan Barcelona ee El Clásico wuxuuna yiri:

“Waan ka war qabnaa inay tahay inaan kulankan badino, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan uga guuleysan laheyn, kulankan koox walba waxay ka war qabtaa sida uu muhiim ugu yahay”.

Intaas kaddib macalinka reer France ayaa wax laga weydiiyay dhaawaca xalay soo gaaray Eden Hazard wuxuuna yiri:

“Waxay u muuqataa inuusan fududeen, madaama uu qabay dareen xun, maaddaama uu canqowga ka dhaawacan yahay, wuxuu dareemayaa xanuun, marka waan arki doonnaa waxa ka soo baxa baaritaanada caafimaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close