Arsenal oo garoonkeeda Emirates guul muhiim ah kaga gaartay Everton… +SAWIRRO

(Arsenal) 23 Feb 2020. Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Everton garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta kooxda Everton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Dominic Calvert-Lewin.

Daqiiqadii 27-aad Arsenal ayaa heshay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Eddie Nketiah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

33 daqiiqo Gunners ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka dhigay 2-1, xilli caawita goolkan uu lahaa David Luiz.

Daqiiqadii 45-aad Everton ayaa la timid goolka bar-bardhaca waxaana 2-2 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Richarlison, saaxiibkiis Yerry Mina ayaana goolkan ka caawiyay.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad Arsenal ayaa durbaba hoggaanka ciyaarta la wareegtay, kaddib markii uu dheeshay ka dhigay 3-2 Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan caawiyay Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-2 ay Arsenal kaga adkaatay Everton oo marti ugu aheyd Emirates Stadium.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close