Real Madrid oo guuldarro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Levante… +SAWIRRO

(Spain) 23 Feb 2020. Real Madrid ayaa guuldarro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Levante oo ay ku booqatay garoonka Ciutat de Valencia, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad kooxda martida loo ahaa ee Levante ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Jose Luis Morales, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nikola Vukcevic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Levante.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close