Man City oo guul dirqi ah ka soo heshay Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power … +SAWIRRO

(England) 22 Feb 2020. Kooxda Manchester City ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 80-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Riyad Mahrez

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close