Juventus oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda SPAL, xilli Ronaldo uu shabaqa gaaray… +SAWIRRO

(SPAL) 22 Feb 2020. Juventus ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda SPAL oo ay ku booqatay garoonka Stadio Paolo Mazza, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Juventus.

Daqiiqadii 39-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Juan Cuadrado.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Juventus ayaa dhalisay gool labaad, waxaana ciyaarta 0-2 ka dhigay xiddiga reer Weles ee Aaron Ramsey, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Paulo Dybala.

70 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda SPAL ayaa heshay gool ku laad, waxaana gool u badalay Andrea Petagna ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Juventus.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close