Horudhac: Chelsea vs Tottenham Hotspur… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka maanta ee London Derby)

(London) 22 Feb 2020. Kulan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa galabta oo Sabti ah waxa u dhexmarayaa kooxaha Chelsea iyo Tottenham.

The Blues ayaa soo dhoweynaysa naadiga Spurs kulan London Derby ah, waxaana labadaan kooxood ay bilaabi doonaan dagaalkooda ugu weyn ee afarta sare horyaalka Premier League.

Kulankii lugta hore ee horyaalka labadaan kooxood ku dhexmaray garoonka Tottenham, Kooxda Chelsea ayaa ku soo adkaatay 0-2, waxaana Blues labada gool u dhaliyey kulanka Willian, iyadoo Spurs kulankan uu kaarka cas ka qaatay Son Heung-min.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 22 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Chelsea ayaan heli doonin ciyaaryahankeeda N’Golo Kante, kaasoo saddex todobaad garoomada ka maqnaan doona kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay la ciyaareen Manchester United.

Christian Pulisic iyo Callum Hudson-Odoi ayaa sidoo kale maqan, laakiin Tammy Abraham, Andreas Christensen iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa ku jira shaxda.

Dhinaca kale xiddigaha Kooxda Tottenhan ee Erik Lamela iyo Tanguy Ndombele ayaa ku soo bilaaban kara kulankan kaddib markii ay ka soo kaceen kursiga keydka kulankii ay wajaheen RB Leipzig.

Juan Foyth, Harry Kane, Son Heung-min iyo Moussa Sissoko ayaa dhammaantood sii joogteynaya maqnaanshahooda kooxda Spurs.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Chelsea ayaa kaliya khasaaro la kulantay hal jeer 33-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku wajahday Tottenham tartammada oo dhan.

>- Tottenham ayaa guuleysatay kaliya 7 ka mid ah 55 kulan oo Premier League ah ee ay la ciyaareen Chelsea, laakiin seddex ka mid ah guulahaas ayaa yimid lixdii kulan ee ugu dambeeyay.

>- Chelsea ayaan la garaacin 24 ka mid ah 25-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Tottenham tartammada oo dhan.

>- Kooxda Chelsea ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool sagaal ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Tottenham tartammada oo dhan.

>- Tottenham ayaa guuleystay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Chelsea ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League.

>- Tottenham ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close