Chelsea oo guul kaga gaartay kooxda Tottenham garoonka Stamford Bridge… +SAWIRRO

(London) 22 Feb 2020. Chelsea ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Tottenham Hotspur garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 15-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Chelsea ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ciyaarta ka dhigay Marcos Alonso, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ross Barkley.

Daqiiqadii 89-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa dhalisay gool waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay Antonio Rudiger oo si qalad ah gool isaga dhaliyay kaddib markii ay ku dhacday kubad.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close