Barcelona oo Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Eibar, xilli Messi uu AFARLEEY ka kacay… +SAWIRRO

(Barcelona) 22 Feb 2020. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Eibar, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ivan Rakitic.

Daqiiqadii 37-aad Barcelona ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Lionel Messi, waxaana markan goolka ka caawiyay Arturo Vidal.

Markale daqiiqadii 40-aad Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 87-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 4-0 ka dhigay Lionel Messi, taasoo ka dhigtay inuu dhaliyay goolkiisii 4-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 89-aad xiddiga reer Brazil ee Arthur ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Ugu dambyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-0 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Eibar oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close