Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Levante

(Madrid) 21 Feb 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Levante ee horyaalka La Liga.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa kooxda Real Madrid ayaa waxay habeen dambe ku booqan doonaan naadiga Levante garoonka Ciutat de Valencia si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 19-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka Levante, balse macalinka reer France ayaa go’aansaday in liiskan uu ka saaro xiddigaha Gareth Bale iyo Luka Jović.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa liiskan lagu arkay oo ku soo baxay xiddigaha khadka dhexe ee James Rodríguez iyo Eden Hazard.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Levante ee horyaalka La Liga:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close