“Qoyskayga iyo aniga waxaan dooneynaa inaan sii joogno London” – Willian oo markale niyad jabiyay Barcelona

(London) 21 Feb 2020. Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Chelsea Willian ayaa wali ku jira magacyada inta badan lala xiriirinayo inay ku biirayaan naadiga Barcelona.

Iyadoo lagu sii dhawaanayo xilliga uu ku egyahay heshiiska Willian uu ku joogo kooxda Chelsea, ayaa wararka ka imaanaya Spain ayaa waxay sheegayaan in Barcelona ay suqi doonto xagaaga si ay ula soo wareegto xiddiga reer Brazil.

Laakiin waxay u muuqataa in xiddiga reer Brazil ee Willian ay ka go’an tahay inuu sii joogo kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee wadanka Ingiriiska ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Willian, kaasoo uu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Chelsea wuxuuna yiri:

“Haddii xaaskeyga aad weydiiso haddii ay dooneyso inay ka tagto magaalada London, jawaabteedu waxay noqon doontaa mid diidmo ah, gabdhaheyga waxay leeyihiin isla dareenkaas”.

“Dabcan Brazil waa Brazil, waa dalkeena, waa dhaqankeena, markasta xaaladeena aad ayey u fiicnaataa marka aan halkaas tagno oo aan aragno qoyska iyo asxaabta, laakiin London waa gurigeyga labaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close