Qiimaha lagu helli karo bar-tilmaamed kooxaha Barcelona iyo Man City ee Milan Skriniar oo la ogaaday

(Yurub) 21 Feb 2020. Kooxaha kala ah Barcelona iyo Manchester City ayaa waxa ay si wadajir ah u doonayaan addeega daafaca dhexe ee naadiga Inter Milan, Milan Skriniar.

25 sano jirkan ayaa ka mid ah ciyaaryahanada joogtada ah ee Antonio Conte uu xilli ciyaaredkan ku dagaalamayo.

Laakiin kooxda reer Talyaani ayaa la kulmeysa cadaadis ku aadan xiddigan sida “Calciomercato” ay ku warrameyso.

Bilowgii bishii Janaayo Man City ayaa ku baadi goobeysay Milan Skriniar adduun lacageed gaaraya £60m.

Skriniar ayaa San Siro kaga soo biiray kooxda Sampdoria sanadkii 2017, 115 kullan ayuuna ka soo muuqday saddex sano oo uu kooxda ku sugan yahay.

Hadaba, Milan Skriniar ayaa lagu helli karaa qiimo lacageed gaarsiisan £75million, iyadoo ay bar-tilmaamedsanayan kooxaha kal ah Barcelona iyo Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close