Ole Gunnar Solskjær oo ku ammaanay mid ka mid ah xiddigihiisa bandhigii quruxda badnaa uu ka sameeyay kulankii Club Brugg

(Yurub) 21 Feb 2020. Macalin Ole Gunnar Solskjær ayaa ku ammaanay mid ka mid ah xiddigihiisa bandhigii quruxda badnaa uu ka sameeyay kulankii xalay Club Brugg ee tartanka Europa League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku amaanay Anthony Martial bandhigiisii ​​kulankii Manchester United ay barbaraha 1-1 ah la galeen Club Brugge ee tartanka Europa League, laakiin wuxuu dhaleeceeyay saaxiibadiisa kale kooxda maadama uu sheegay in aysan safiican u taageerin

Martial ayaa xalay u dhaliyay Man United goolka bar-bardhaca kulankii lugta hore ee Europe Leagea kaddib markii Emmanuel Bonalance uu daah furay gooldhalinta, isagoo si degan u dhaliyay seddex daqiiqo markii ay socotay ciyaarta.

Kooxda Solskjaer ayaa nasiib u laheyd inay hal gool kaliya dhaliyaan kaddib markii ay qaab xun kaga biloowdeen ciyaarta, waxayna ku faraxsanaan doonaan inay dhaliyaan goolka bar-bardhaca maadaama ay marti ahaayeen.

Laakiin Solskjaer ayaa ku baaqay in horumar laga sameeyo qeybta weerarka ee kulamada soo socda wuxuuna rumeysan yahay inay tahay inay wax badan qabtaan si ay ugu abuuraan fursado Anthony Martial.

Martial has been criticised for not being a proper striker but he has the tools to be a success

“Gool fiican ayuu ahaa manta” Solsjaer ayaa sidaa yiri kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartay.

“Ma sameynin fursado badan oo uu gool ku dhalin karo Antony Martial”.

“Goolkaas kaddib waxa uu helay jaanis ku aadan lugtiisa bidix, weerar fiican ayuu ahaa laakiin bad baado wanaagsan waxaa sameeyay Mignote”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close