Mikel Arteta oo ku heesaya mid ka mid ah xiddigaha Arsenal, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Olympiacos

(Yurub) 21 Feb 2020. Mikel Arteta ayaa ku heesaya mid ka mid ah xiddigaha Arsenal, kaddib guushii ay xalay kaga gaareen Olympiacos tartanka UEFA Europa League.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku ammaanay xiddigiisa Bukayo Saka sida uu ula dhaqmay cadaadiska xilli ciyaareedkiisa koowaad ee Gunners.

Bukayo Saka ayaa xalay ka sameeyay kooxdiisa Arsenal bandhig cajiib ah wuxuuna caawiyay goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Alexandre Lacazette, xilli Gunners ay guul 0-1 ah kaga soo gaartay naadiga Olympiacos kulan ka tirsanaa tartanka xiisaha badan ee UEFA Europa League.

18 jirkan ayaa caawiyay 9 gool ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waana in kabadan ciyaartoy kasta ee kooxda ka ciyaara, inkastoo uu Gunners kaga ciyaaro dhinaca garabka bidix ee weerarka.

Mikel Arteta ayaa kaddib ciyaarta wuxuu u sheegay shabakada “PT Sports” ee dalka England:

“Isagu ma ahan garab, laakiin si la yaab leh ayuu ula qabsaday, iyadoo uu qaab ciyaareedkiisu yahay mid ku haboon, wuxuuna leeyahay geesinimo weyn”.

“Go’aanadiisu waxay ahaayeen kuwo wanaagsan, fursado badan ayaa ka timid dhankiisa, aad ayaan ugu faraxsanahay bandhigiisa” ayuu yiri tababare Mikel Arteta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close