Martin Braithwaite oo la xaqiijiyey inuu ku biiiri doono Kooxda Barcelona si uu u noqdo bedelka Ousmane Dembélé

(Barcelona) 20 Feb 2020. Laacib ay Braithwaite ka wada tirsan yihiin Kooxda Leganes ayaa xaqiijiyey in xiddigu ku biiri doono Naadiga Barcelona.

Haddii ay jiraan wax shaki ah oo ku saabsan inuu Martin Braithwaite ku dhow yahay inuu ku biiro Barcelona, markaas saaxiibkiisa kooxda Leganes ee Kenneth Omeruo ayaa daaha ka qaaday in sheekadaasi ay dhan tahay, ciyaaryahankuna ku biiri doono kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou.

Daafacan dhexe ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyey in weeraryahankan uu baxayo oo uu ku biirayo Barcelona, waxaana uu soo dhigay farriin uu ku macsalaamaynayo Martin Braithwaite.

“Hambalyo walaal, waan kuu xiisi doonnaa.” ayuu soo qoray halka uu soo dhigay sawir photo shop lagu sameeyey oo xiddigan reer Danish uu wato maaliyadda kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay Leganes u sheegtay inay bixin doonaan lacagaha lagu burburin karo qandaraaska weeraryahankan oo dhan 18 milyan oo euro.

Barcelona ayaa Martin Braithwaite u soo qaadanaysa bedelka Ousmane Dembélé, inkastoo uu suuqa xiran yahayna waxaa kooxda reer Catalonia loo ogolaaday inay bedelkiisa soo qaataan, maadaama muddo dhowr bilood ah uu garoomada ka maqnaan doono.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan la sheegayaa in maanta iyo caawa ay Barcelona ku kala bixi doonto heshiiska ay kula wareegayso Martin Braithwaite.

Wixii warar ah oo ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close