Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo maanta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow

(Muqdisho) 20 Feb 2020. Kooxaha kala ah Elman iyo Midnimo ayaa galabta ku balansan garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, waana kulankii ugu dambeyay ay labadaan kooxood ka dheelaan wajiga hore ee horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kooxda kubadda cagta Elman ayaa galabta isha ku haysa inay dib ugu laabato hoggaanka horyaalka kadib guushii ay shalay gaartay naadiga Dekedda.

Wiilasha Elman kulankii ugu dambeeyay waxay guuldarro 1-0 kala soo kulmeen difaacyasha horyaalka Somali Premier League ee Dekedda FC.

Naadiga Midnimo kulankii ugu dambeeyay waxa ay guuldarro 1-0 kala soo kulantay kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Elman ayaa sanadkan doonaysa in iyadoo hoggaanka haysa ay ku dhameysato wajiga hore ee horyaalka, maadaama hadda saddex dhibcood loogu hoggaaminayo kooxdan.

Horyaalka Somali Premier League ayaa lagu wada in la soo gabagabeeyo 25-ka bishaan oo ay ku beegan tahay Todobaadka soo aaddan maalinta Talaadada.

Ogeysiis ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Elman vs Midnimo

Garoonka: Eng Yariisow

Saacadda: 3:30 Galbanimo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close