War cusub oo ka soo baxaya xiisihii ay Bayer Munich u qabtay Leroy Sané

(Munich) 19 Feb 2020. Bayer Munich ayaa in badan dooneysay addeega ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Leroy Sané.

Wargeyska “Kicker” ee dalka Germany ayaa bilowgii toddobadkan wariyay In Bayer Munich ay markan dooneyso Timo Werner marka loo fiiriyo Leroy Sané.

Kaddib markii arrinkaas la isla dhex maray Wariyaha ka tirsan “Bild” ee Christian Falk ayaa kaga jawaab celiyay Twitter-kiisa isagoo sheegay in ay tahay war been abuur ah .

Werner oo 23 sano jir ah ayaa dhaliyay 25 gool, 10 kalena caawiyay, 31 kulan oo uu ka soo muqday RB Leipzig xilli ciyaaredkan.

Sidoo kale waa gooldhaliyaha labaad ee ugu sareeya horyaalka Germany kaddib markii uu dhaliyay 20 gool, saddex gool ayuuna u jiraa weraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Werner ayaa waxaa ku raad jooga kooxaha waa weyn ee qaarada Yurub sida Real Madrid iyo Liverpool, sidoo kale waxaa la aaminsanhay in Manchester United ay qeyb ka tahay tartanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close