Gabriel Jesus iyo Mauro Icardi oo diirada u saaran mid ka mid ah kooxaha ugu xooggan Yurub

(Yurub) 19 Feb 2020. Wargeyska dalka Talyaaniga ka soo baxa ee “Tuttosport” ayaa ku warramaya in Juventus ay si cad u dooneyso ciyaaryahanada kala ah Gabriel Jesus iyo Mauro Icardi.

Labadan xiddig ayaa la aaminsan yahay in lagu helli karo qiimo lacageed gaara €70 million.

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay xiiseyneyso addeega weeraryahanka reer Argentina ee Icardi.

Image result for Gabriel Jesus and Mauro Icardi

Icardi oo amaah hadda ugu ciyaara  Paris Saint-Germain ayaa door bidaya in uu dib ugu laabto Talyaaniga taas oo fursan fiican u noqon karta Juventus in ay la soo wareegan.

Sidoo kale Juventus ayaa isha ku heysa xiddiga noloshiisa ka soo bilaabay magaalada São Paulo ee Gabriel Jesus kaas oo Manchester City qeyb ka ah tan iyo sanadii 2017.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close