Arsenal oo xiddig cusub ka dooneysa horyaalka Bundesliga ee dalka Germany

(London) 19 Feb 2020. Xiddig ka tirsan kooxda Bayer Leverkusen ayaa la aaminsan yahay in ay xiiseyneyso naadiga Arsenal sida laga soo xiganayo wargeyska “Bild” ee gudaha Germnay ka soo baxa.

Gunners ayaa la dhacsan qaab ciyaaredka Jonathan Tah oo 24 sano jir ah kaasoo ka tirsan kooxda Bayer Leverkusen, waxaana lagu bur burin karo heshiiskiisa adduun lacageed dhan $43m.

Jonathan Tah  ayaa 18 kulan ka soo muuqday horyaalka Bundesliga xilli ciyaaredkan.

Arsenal ayaa qorshooyin badan ka leh xilli ciyaaredka soo aadan maadama ay u muuqdan kuwa fashilmay sanad ciyaaredka haatan soconaya.

Si kastaba ha noqotee, Mikel Arteta ayaa suuqa xilli ciyaaredka waxa uu bilaabay qorshihiisa iyadoo uu qeyb ka noqday daafaca kooxda Bayer Leverkusen  ee Jonathan Tah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close