Andy Robertson oo si adag kaga hadlay guul darradii Liverpool ka soo gaartay Atletico Madrid

(Liverpool) 19 Feb 2020. Daafaca Liverpool ee Andy Robertson ayaa ka falceliyay guul darradii Reds xalayto ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid.

Gool uu 4 daqiiqaba ciyaarta marka ay socotay dhaliyay Saul Niguez ayaa u sahashay in Atletico ay kaga adkaato Liverpool, kulanka lugta hore wareega 16-ka UEFA Champions League xagaagan.

Liverpool oo difaacaneysa tartankan ayaa rajo badan ka qabta in xilli ciyaaredkii labaad oo xiriir ah ay ku guuleysan karto koobka UEFA Champions League.

Hadaba, daafaca Liverpool ee Robertson oo la hadlyay “BT Sport” ayaa ku goodiyay in Anfield ay ciyaari ku dhan tahay isagoo sidoo kale Atletico ku sheegay inay u dabaaldegeen sidii in aysan lug labaad tartanka ka harsaneyn.

Andy Robertson oo la hadlay warbaahinta gaar ahaan shabakada “BT Sport” ayaa wuxuu yiri:

Atletico players celebrate beating Liverpool

“Waxaan siinnay bilowgii ugu wanaagsanaa ee ay ku heli kareen taageerayaashooda, kaddibna waxay bilaabeen inay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican iyo waxyaabo la mid ah”.

“Ka hor intaan nalagu soo tuurin gees-laadka, waxaan sameynay qalad rasmi ah.

“Waxay isku dayeen gaadmo iyo inay ina soo hoos galaan, laakiin waxaan u maleynayaa in aan sifiican wax uga qabanay daacadna aan u ahayn ciyaarta.

“Waxaan ognahay inaan ka fiicannahay intaas waana aan ka fiicnaan karnaa taas nasiib wanaag waxaan heleynaa lug labaad si aan u saxno qalalaadkeenna.

Robertson ayaa sidoo kale farriin u diray kooxda uu hoggaamiyo Diego Simeone ee Atletico.

“Marka loo eego waxa uu isagu yahay (Simeone) marka aadan isaga la ciyaareyn, way quman tahay sida ay u ciyaarayaan, taas wax dhibaato ah innagama haysato.

“Waxay u dabaal-degeen sidii inay ku guuleysteen gabi ahaanba ciyaarta, waxaan haysannaa Premier League oo aan wax ka qabano kaddib waxaa inoo ballan ah Anfield.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close