Muxuu ka yiri tababare Solskjær guushii ay xalay ka gaareen kooxda Chelsea?

(London) 18 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Man United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay xalay Chelsea kaga gaareen garoonka Stamford Bridge.

Manchester United ayaa guul dahabi ah garoonka Stamford Bridge kaga soo gaartay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Haddaba ciyaarta kaddib ayuu macalin Ole Gunnar Solskjær la hadlay warbaahinta wuxuuna muujiyay dareenkiisa kaga aadan guusha ay gaareen wuxuuna yiri:

“Waxaan ilaashanay shabaqeena, waxaan horumar ku sameynay heerka daafaca, waxaan dhalinay labo gool aad u fiican, aad ayaan u faraxsanahay”.

“Mararka qaar waxay qaadataa waqti si aad u gaarto shabaqa kooxda kaa soo horjeeda, laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta waan fiicneyn, inkastoo aan xoogaa u muuqanay kuwo daalan qeybtii labaad”.

“Qaab ciyaareedka shaqsiyadeed aad ayuu u fiicnaa mararka qaar, laakiin qaybtii hore waxaan aheyn kuwo xun, waxaana samaynay khaladaad farsamo”.

“Guushaan waxay na siineysaa kalsooni, tartankii aan ugu soo bixi lahayn Champions League wuxuu noqon doonaa mid adag, mana heli doonno qof na caawisa”.

“Waxaan ciyaareynaa maanta waxaana ciyaari doonaa khamiista, mana fahmi karo sababta aan u ciyaari weynay Sabtidii?, Laakiin waa inaan ciyaarno markale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close