Bruno Fernandes oo ka hadlay dareenkiisa kaddib guushii dahabiga aheyd ay ka soo heleen Chelsea

(Machester) 18 Feb 2020. Laacibka qadka dhexe kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa cadeeyay in Red Devils ay sameyn karto wax qabad ka wanaagsan sidii hore, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Chelsea.

Manchester United ayaa guul dahabi ah garoonka Stamford Bridge kaga soo gaartay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Shabakada caanka ah ee “Sky Sports” ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Bruno Fernandes ciyaarta kaddib waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Runtii aad ayaan u faraxsanahay, waxay ahayd ciyaar aad u adag kulankii aan la ciyaarnay Chelsea”.

“Waa koox aad u fiican, waxaan u baahneyn inaa guul gaarno, si aan ugu tartano booska afaraad”.

“Waxaan u maleynayaa in Manchester United ay soo bandhigi karto qaab ciyaareed aad u fiican, laakiin waxay aheyd ciyaar aad u wanaagsan oo aan la ciyaarnay koox fiican, waana badinay”.

“Waxaan dareemayaa inaan fiicanahay, waxaan u ciyaarayaa kooxda ugu weyn England, aad ayaan ugu faraxsanahay taas, riyada waxay noqotay mid dhab ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close