Atletico Madrid oo si dirqi ah kaga adkaatay Liverpool, xilli Erling Haaland uu guul ku hoggaamiyay kooxdiisa Borussia Dortmund… SAWIRRO

(Yurub) 18 Feb 2020Atletico Madrid ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Liverpool garoonkeeda Wanda Metropolitano, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid.

Daqiiqadii 4-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Saul Niguez.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Atletico Madrid kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Wanda Metropolitano.

Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund ayaa waxay 2-1 ku garaacday Paris Saint-Germain oo marti ugu aheyd garoonka Signal Iduna Park, waxaana Borussia labada goolba u dhaliyay Erling Haaland, halka PSG uu u dhaliyay Neymar Jr.

SAWIRRO:

Image

View image on Twitter

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close