Salah, Mane & Firmino oo hoggaaminaya liiska xiddigaha kooxda Liverpool ee ka qeyb galaya kulanka Atletico Madrid

(Liverpool) 15 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa magacowday 21-keeda ciyaaryahan ee u safreysa caasimada Madrid, si ay kaga qeyb galaan kulanka habeen dambe ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.

Garoonka Wanda Metropolitano ayaa habeen dambe oo khamiis ah marti galin doono kulanka la wada sugayo ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Atletico Madrid iyo Liverpool, lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Jürgen Klopp ayaa kulankan helaya dhamaan xiddigihiisa ugu muhiimsan, iyadoo ay kaliya ka maqan yihiin ciyaartoyda kala ah Nathaniel Clyne iyo Xherdan Shaqiri.

Reds ayaa ku tababartay Melwood subaxnimadii maanta ka hor inta aysan ka duulin garoonka diyaaradaha ee John Lennon.

Takumi Minamino ayaa lagu soo daray 21-ka xiddig ee loo diyaariyay kulanka kooxda Atletico Madrid.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Liverpool ee lagu  dhawaaqay kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Atletico Madrid:

Goolhaayayaasha: Alisson, Adrian, Kelleher;

Daafacyada: Van Dijk, Lovren, Gomez, Robertson, Matip, Alexander-Arnold;

Khadka dhexe: Fabinho, Wijnaldum, Milner, Keita, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Minamino;

Weerarka: Firmino, Mane, Salah, Origi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close