Man United oo guul dahabi ah garoonka Stamford Bridge kaga soo gaartay kooxda Chelsea… +SAWIRRO

(London) 18 Feb 2020. Manchester United ayaa guul dahabi ah garoonka Stamford Bridge kaga soo gaartay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 45-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Anthony Martial, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Aaron Wan-Bissaka.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Manchester United ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Harry Maguire, waxaana goolkan ka caawiyay Bruno Fernandes.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 oo ay ku adkaatay Manchester United oo garoonka Stamford Bridge marti ugu aheyd kooxda Chelsea.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close