Zidane oo ka hadlay go’aankiisa kaga aaddan ka qeyb galka Eden Hazard ee kulanka Celta Vigo

(Madrid) 16 Feb 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Eden Hazard uu awood u leeyahay inuu ka qeyb galo kulanka caawa ee Celta Vigo.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa eegeysa inay gaarto guusheedii lixaad oo xiriir ah horyaalka La Liga, marka ay garoonkeeda Bernabeu caawa ku soo dhoweyn doonto naadiga Celta Vigo.

Zidane ayaa liiska xiddiga Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Celta Vigo wuxuu ugu yeeray 19 ciyaaryahan waxaana dib ugu soo laabtay laacibka reer Belgium ee Eden Hazard.

Haddaba Zinedine Zidane ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday ka hor kulanka caawa ee Celta Vigo wuxuu ku sheegay:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in Eden Hazard uu soo laabtay, kaddib ku dhawaad muddo saddex bilood ah uu dhaawac ku maqnaa, waan ognahay inta uu ka qaban karo kooxda”.

“Waxaan la saxiixnay isaga sababtoo ah waa ciyaaryahan cajiib ah, marka waxaan ku faraxsanahay inuu ku soo laabto kooxda, waa inaan siinaa waqti ku filan, oo aanan ku deg degin soo laabashadiisa, taasi waa waxa aan dhabtii sameynay, si aan u ilaalino nabadgalyadiisa”.

“Wuxuu nala joogi doonaa kulanka Celta Vigo, diyaar ayuu u yahay inuu ka qeyb qaato kulanka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close