Lazio oo garoonkeeda Olimpico saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Inter… +SAWIRRO

(Roma) 17 Feb 2020. Lazio ayaa garoonkeeda Olimpico saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Inter, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1 ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Inter.

Daqiiqadii 44-aad Inter ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Ashley Young.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

kooxda Lazio ayaa heshay gool ku laad waxaana gool u badelay daqiiqadii 50-aad oo ciyaarta bar-bardhac 1-1 ah ka dhigay Ciro Immobile.

69-aad daqiiqo kooxda Lazio ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Sergej Milinkovic-Savic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooxda Lazio, iyagoo awood u yeeshay in saddexda dhibcood ay Inter kaga qaataan Stadio Olimpico.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close