Celta Vigo oo taako u dhigtay kooxda Real Madrid… +SAWIRRO

(Madrid) 17 Feb 2020. Celta Vigo ayaa taako u dhigtay kooxda Real Madrid oo ay marti ugu noqotay garoonka Bernabeu, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Celta Vigo.

Daqiiqadii 7-aad kooxda kubadda cagta Celta Vigo ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Fedor Smolov, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Iago Aspas.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad Real Madrid ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Toni Kroos, iyadoo uu goolkan ka caawiyay daafaca reer Brazil ee Marcelo.

Daqiiqadii 65-aad Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaaminta ciyaarta kaadib markii ay heshay gool ku laad waxaana 2-1 ka dhigay Sergio Ramos.

Laakiin daqiiqadii 86-aad kooxda Celta Vigo ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana dheesha 2-2 ka dhigay Santi Mina, kaddib markii uu ka caawiyay Denis Suarez

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ah ay isku dhaafi waayi labada kooxood Real Madrid iyo Celta Vigo.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close