Barcelona oo halis ugu jirta inay lumiso xiddig kale ee cusub kulanka El Clásico, kaddib Suarez iyo Dembélé

(Barcelona) 16 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa halis ugu jirta inay lumiso xiddig kale ee cusub kulanka El Clásico oo ay Real Madrid is ku wajihi doonaan horaanta bisha March ee soo socota ciyaar ka tirsan kulamada 26-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Jordi Alba ayaa halis ugu jira inuu ka maqnaan doono garoomada muddo saddex toddobaad ah.

Jordi Alba ayaa dhaawac muruqa lugta midig ah uu soo gaaray intii lagu gudi jiray kulankii shalay ee Barcelona iyo Getafe ay ku wada ciyaareen horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona confirm Jordi Alba injury

Wargeysku ayaa wuxuu tilmaamay in Jordi Alba uu ka maqnaan doono safka kooxda Barcelona, haddii la xaqiijiyo in saddex isbuuc ah uu garoomada seegi doono, kulamada kala ah Eibar, Real Madrid iyo Real Sociedad oo horyaalka La Liga ah, lagu daray kulanka lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League ay kula ciyaari doonaan naadiga reer Talyaani ee Napoli.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay sidoo kale ka maqnaan doonaan labada xiddig ee kala ah Luis Suarez iyo Ousmane Dembélé kulanka El Clasico ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close